Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Muqdisho
May 20, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa hadda gaaray magaaladda Muqdisho,ee caasimada dalka Soomaaliya , Madaxweynaha Konfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa waxaa ku soo dhaweeyeya garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda deeganada Koonfur Galbeed, iyo masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Koonfur GalbeedCabdicasiis Lafta Gareen ayaa ka qayb geli doono shirka wada tashiga Qaran ee la filayo maanta ama beri in uu si rasi ah uga bilowdo mgaalada Muqdisho waxaan shirka looga hadli doonaa arrimaha doorashooyinka oo in mudo ah ay ka taagnaayeen khilaaf is muran .
Dhinac kale Madaxweynayaasha Puntland, Hirshabelle iyo Jubbaland, ayaan ilaa hadda weli soo gaarin magaalada Muqdisho Xilli Afahayeenka xukuumadda dowladda federaalka Soomaaliya uu sheegay in maanta uu shirku hordhac ah uu furmi doona balse maalmaha soo socda uu si rasmi ah uu shirku u furmi doono marka ay magaalada Muqdisho yimaadaan dhamaan madaxweynayaasha maamul gobolleedyada ka jira dalka.
M_M_Deeq
Halgan.net