Hirshabeelle oo looga dabaal degay Sanad guuradii 5aad ee aasaaska Hirshabeelle

October 6, 2021 - Written by Editor

Jowhar:-Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka caawa ka qeybgalay Munaasabad balaaran oo loogu dabaal degayay sanad guurada 5aad ee aaasaaska Dowlada Hirshabeelle.

munaasabadaan lagu xusayay sanad guurada 5aad ee aasaaska Hirshabeelle waxaa la kaqeybgalay Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar, Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Wasiiro ka tirsan Xukuumada Federaaalka Senatarada Cusub ee Hirshabeelle Xildhibaanada golaha shacabka, wasiirada iyo xildhibaanada Hirshabeelle boqolaal dadweyne ah bahda fanka iyo marti sharaf kala duwan.
Xaflada Xuska Sanad Guurada aasaaska Hirshabeelle oo khudbado laga soo jeediyay ayaa aad loogu hambalyeeyay Madaxda Dowlada iyo Shacbiga Hirshabeelle.
Munaasabada inta ay socotay waxaa qadka zoomka uga qeybgalay Raisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ugu Hambalyeey Hogaanka iyo Shacabka Hirshabeelle xuska Sanad guurada 5aad ee Aasaaska Dowlada Hirshabeelle.
Madaxweynaha Munaasabada ka hadlay ayaa guud ahaan shacabka Hirshabeelle ugu hambalyeeyay 5-ta October oo ku beegan maalintii dhidibada loo taagay Dowladda Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in guulo badan la gaaray hada ay diyaar u yihiin inay la tashtaan cidwalba oo tabasho qabto, xalkana uu ku yimaado in la isa soo hor fariisto oo lawada hadlo.
Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ugu dambeyn shahaado sharaf gudoonsiiyay masuuliyiin si wanaagsan ula shaqeeyay Dowladda.
-Dhamaad-
Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada
Dowladda Hirshabeelle

Leave a comment

*

Archives
October 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online