Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo lagu dilay qarax ka dhacay Beledweyne
March 23, 2022 - Written by EditorMuqdisho:-Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Beledweyne lagu dilay Xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi oo si weyn ugu doodi jirtay in kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo lagu eedeeyey in ay dileen NISA.
Qof naftiisa haligay oo isku xiray walxaha Qarxa ayaa la sheegay inuu isku qarxiyey Xildhibaan Aamin oo ku sugneyd meel u dhaw Madaxtooyada HirShabeelle ee magaalada Beledweyne.
Sidoo kale qarax labaad ayaa haatan ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn Madaxtooyada HirShabeelle , waxaana hawada ka baxday korontadii magaalada Baladweyne xili ay socotay doorashada doorashada kursiga HOP#011.
Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa waxaa maanta ka dhacday doorsho adag waxaana lagu loolamayey kursiga Hop#063 , waxaana loo doortay Cabdirisaaq Cabdullahi kursiga ayaa waxaa horey ugu fadhiyey Cabdullahi Goodax Barre oo ku haray wareegii 1aad.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net