Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Shir Guddoomiyay kulanka waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda.
March 30, 2022 - Written by EditorGaroowe:-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Abdi ayaa shir Guddoomiyay kulanka waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda.Kulankaan ayaa looga hadlayey dar-dargelinta shaqooyinka Wasaaradda iyo xoojinta ku dhaqanka Qorshaha Wasaaradda Maaliyadda ee sanadka 2022.
Shirkaan oo ay kasoo qayb galeen dhammaan Madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo Agaasinka Waaxyaha kala duwen ee Wasaaradda.Wasiirka ayaa ka dhageestay warbixinno la xiriira horumarka Wasaaradda iyo Guud ahaan shaqada isaga oo kula dar-daarmay masuuliyiinta inay Sii laba jibbaraan Hawlaha Wasaaradda si loo gaaro yoolka la tiigsanayo.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa waday dadaalo kor loogu qaadayo habsami u socodka shaqada, kobcinta dakhliga iyo adkaynta Isla xisaabtanka shaqaalaha iyo mas’uulinta waaxyaha.Baahintii .
—Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland—