Madaxweynaha JFS Xassan Sh Maxamuud oo dib ugu soo celiyey Saadaq cumar Mohamed Darajadiisa Ciidannimo

August 15, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Mohamed dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Booliska Soomaaliyeed, si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaar ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya sharciga dhismaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee lr. 2 oo soo baxay sanadkii 1973-dii ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Booliska Soomaaliyeed ay saldhig u noqdaan hannaanka dimuqraadiyadeed iyo ilaalinta sharciga dalka.

“Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Maxamed, laga bilaabo maanta oo aan saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey.”

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay Isniin, 15-ka bishan Ogoosto, 2022 oo ah marka uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Abdikadir Ali Dige,

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
August 2022
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online