Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo safar shaqo ku tegay Gaalkacyo.
October 20, 2022 - Written by EditorGaalkacyo, October 20,2022: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa safar shaqo ku gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Wasiirka oo safar shaqo ku gaaray Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf Axmed ku soo dhaweeyey Maamulka Gobolka Mudug, kan Degmada Gaalkacyo iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan.
Dhammaad.
Xafiiska warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.