Madaxweynaha Puntland oo Hambalyo u diray Guddoonka cusub Ee Baarlamaanka Puntland.
January 4, 2024 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Hambalyo u diray Guddoonka cusub ee uu doortay Baarlamaanka 6-aad ee Dowladda Puntland.
“Waxaan u hambalyeeynayaa Baarlamaanka 6-aad ee Dowladda Puntland oo maanta doortay Guddoonkooda, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise.
Guddoonka cusub ee Golaha Wakiilladu wuxuu Astaan u yahay Dimuqraadiyadda Puntland oo guuleysatay, maadaama Guddoomiye Cabdirisaaq Axmed Siciid uu ahaa Guddoomiyihii Guddigii Ku meel gaarka aheyd ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) kuwaasi oo ku guuleystay qabashada Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka Puntland, Waxaan u rajeynaya Baarlamaanka cusub iyo Guddoonkooda in alle u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday oo hadda ay ugu soo horeyso diyaarinta iyo qabashada Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Hambalyo,” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
———DHAMMAAD——-