Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland oo Shir Guddoomiyey fadhiga 7-aad ee baarlamaanka.

January 13, 2024 - Written by Editor

Garoowe:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddoomiye Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa fadhiga furay, iyadoo ajanduhu ahaa akhrinta iyo ansixinta xeer-hoosaadka Golaha wakiilladda iyo dhismaha Guddiga joogtada ah Golaha Wakaiillada si waafaqsan qodobka 63-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Ugu horeyn, waxaa Goluhu si aqlabiyad ah isula qaatay in lagu sii shaqeeyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada ee horey u jiray inta laga dib u-eegis rasmi ah lagu sameynayo Xeer-hoosaadk. Ansixinta ka dibna waxaa Goluhu ku sameeyey dulmar guud.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa la wadaagay Xubnaha Golaha dhismaha Guddiga Joogtada ah oo ka kooban 10 madax Guddi, iyadoo Gobol kasta uu ka codsaday inay soo gudbiyaan xubnaha uga mid noqonaya Guddiga joogtada ah, hadii ay isku soo raaci waayaana Goluhu uu kala dooran doono xubnahaas.

Ugu, Dambeyn Goluhu wuxuu isla qaatay inay dib isagu soo laabtaan Sabtida soo socota taariikhduna tahay 20-ka bisha Janaayo si loo dhammaystiro Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada oo laf-dhabar u ah hawl-socodsiinta Golaha Wakiillada.

——-DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
January 2024
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online