Mu’tamarkii 1aad ee magaalada Kampala oo caawa soo gabgaboobay
April 1, 2013 - Written by EditorKampala:Waxaa caawa 2/4/2013 la soo gabagabeeyay mu’tamarkii dacawiga ahaa ee 1aad ee magaalada Kampala oo soo billowday 29/3/2013 Mutamarka gabagabadiisii waxaa dardaaranno wax ku ool ah ka soo jeediyay culimadii duruusta ka jeedinaysay Mutamarka , waxayna culimadu bulshada Soomaaliyeed ee Uganda ku dhaqan kula dardaarmeen in ay diintooda barashadeeda iyo ku dhaqankeeda ku dadaalaan, iyo in ay ilaaliyaan wada jirkooda una midoobaan danohooda guud, sidoo kale waxay culimadu ku baaqeen in kulamda dacawiga ah ee noocan oo kale ah la soo celceliyo si loo sii xoojiyo wacyi galinta diineed ee bulshada waddankan ku nool.
no images were found
Dardaarankii culimada ka dib waxaa madasha ka hadlay Sh. c/raxmaan qaasim oo u mahad celiyay dhammaanba dadkii gacanta ka geystay in mu’tamarku qabsoomo, culimo,ganacsato,gudiyada dacwada masjidka, dumarka, ururka dacwada ardaysa soomaaliyeed ee Al -ahli iyo guud ahaanba qaybaha kale duwan ee bulshada sida ballaadhan u soo buuxdhaafisay goobihii duruustu ka baxaysay. Ka dib waxaa shirka lagu soo xidhay bayaan uu akhriyay guddoomiyaha guddiga qabanqaabada mu’tamarka Sheekh. Ibraahim Xirsi Galow oo taabanayay qodobo badan 00 khuseeya jaaliyadda soomaaliyeed ee ku nool wadanka Uganda iyo guud ahaanba qurba joogta soomaaliyeed.
Culimadu waxay saaka muxaadaraad ka jeediyeen Musallaha ciidda oo baryahanba ay dumarku duruus ku qaadanyeen,waxaana muxaadaraad ka saaka kala jeediyay Sheekh. c/raxiim Abuu cayneyn oo ka hadlay xijaabka gabadha muslimadda ah,iyo Sheekh. Abuu Shayba oo ka hadlay sifooyinka gabadha mu’minadda ah, sidoo kale Sheekh.abuu xassaan ayaa salaaddii duhur ka dib masjidka towxiid ka jeediyay muxaadaro ka hadleysay sidii loo diyaarin lahaa dhallinyaro hoggaan noqota.
Salaaddii casar ka dib waxaa masjidka towxiid ka baxday muxaadaro ka hadleysay tiirarka uu ku taaganyahay qoyska muslimka ah, waxaana soo jeediyay Sh. Maxamad Cali Gadhle, muxaadarada ka dibna waxay culimadu ka jawaabeen qayb ka mid ah su’aalihii dadweynaha, salaaddii makhrib ka dibna waxaa la sii waday fataawihii oo ay culimadu si wada jir ah uga wada qayb qaadanayeen, ka dib 9:00kii fiidnimo ayaa la soo gabagabeeyay fataawihii, ka dibna waxaa la guda galay dardaarankii culimada iyo soo gabagabeyntii shirka.
Halgan.net