Ciidamo ka tirsan AMISOM oo ku qulqulaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay
April 2, 2013 - Written by EditorBaydhabo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa sheegaya in Ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM oo aad u fara badan ay xalay ilaa saaka ku qulqulaya magaalada Baydhabo waxaana ayna fariisimo ka sameysteen gudaha iyo duleedka magaalada Baydhabo.
Ciidamadan oo watay gawaari badan oo Tikniko ah ayaa waxaa ay ka yimaadeen degmada Buurhakaba ee gobolka Bay waxayna soo mareen dhulka iyaga oo sida la sheegayo ay badali doonaan ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa magaalada Baydhabo.
Goobjooge ku sugan magaalada Baydhabo ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada AMISOM ay soo buuxdhaafiyeen magaalada Baydhabo iyaga oo isla saaka bilaabay in ay xarumo ka sameystaan gudaha magaalada Baydhabo .
Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka gobolka Bay iyo kan degmada Baydhabo ayaan ka hadlin ilaa haatan ciidamadan ku qulqulaya gobalka Bay
Taliyaha ciidamada AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa isbuucii la soo dhaafay mar uu wareysi siiyey AFP wuxuu sheegay in ay aan loo dhutin doonin ciidamada Itoobiya wuxuuna sheegay in ay ciidamo geyndoonaan gobalada Bay iyo Bakool
Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay qorsheynayaan in ay ka baxaan dhamaan gobalada Bay iyo Bakool ,Baladweyne ,iyo Gobalada Dhexe waxaana lagu badali doonaan ciidamo ka socda Midowga Afrika ee AMISOM sida uu xaqiijiyey sarkaal ka tirsan ciidanka Itoobiya oo ku sugan magaalada Baydhabo.
A/Cawale
Halgan.net