Magaalada Gaarisa oo lagu dilay askar Kenyaan ah
April 2, 2013 - Written by EditorGaarisa:-Waxaa saaka lagu dilay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi-bari labo askari oo ka tirsan ciidanka Booliska ee dalka Kenya ka dib markii rag Bistoolado ku hubeysan ay ku weerareen bartamaha magaalada Gaarisa waxaana sidoo kale weerarka ku dhaawacmay askari kale.
Weerarka ka dib ayaa waxaa goobta ka baxsaday dableydii dishay labada askari waxayna horey u sii qaateen bistoolad ay ka furteen askartii ay dileen.
Taliyaha booliska ee gobolka Waqooyi-bari Charlton Mureithi, ayaa xaqiijiyey in uu jiro weerarka lagu qaaciyey askarta Kenyaanka ah wuxuuna sheegay in askarta xilliga la dilay ay ku guda jireen roondo ay ku sugayeen amaanka Gaarisa.
Ciidamo tiro badan oo ka tirsan Booliska Kenya ayaa goobta soo gaaray waxaana ay xireen isu socodka dadka iyo gaadiidka.ilaa haatan lama soo sheegin cid ay qabteen ciidamada amaanka ee magaalada Garisa.
Magaalada Gaarisa ayaa waxaa ay wehel u noqotay weeraro gaadmo ah oo lala beegsado ciidamada iyo saraakiiisha ciidanka Booliska ilaa iyo markii ay ciidamada Kenya ay gudaha u galeen gobalada Jubooyinka iyo Gedo.
Ilaa haatan ma jirto koox si rasmi ah u sheegatay weerarada ka dhacaya magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari
ee Kenya walow dowlada Kenya ay dusha uga tuurto kooxda Al-Shabaab iyo kooxda MRC.
Cabdi Yare
Kismaayo