Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka Soomaaliya oo u dhoofay dalka Jabuuti
April 3, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo Wafdi uu horkacayo ayaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda dalalka ay ciidamadoodu joogaan dalka Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo Wafdi uu horkacayo ayaa la filayaa in ay socdaal ku gaaraan dalalka Ethiopia, Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Burundi oo ah dalalka ciidamadooda u soo diray Soomaaliya .
Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo Wafdi uu horkacayo ayaa safarkiisa koowaad ku tegi doona dalka Jabuuti waxaan uu uga sii gudbi doonaa dalka Ethiopia isagoo kulamo kula soo qaadan doona Madaxda IGAD iyo EU.
Safarka Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdigiisa ayaa ah kii ugu horeeyey oo uu dalka dibadiisa ku aado waxaan safarkiisa ku weheliya wasiirka arrimaha gudaha iyo xubno kale oo ka tirsan golahiisa wasiirada.
A/cawaale
Halgan.net