Puntland oo Albaabada u Laabtay Radio Daljir, Codka Nabadda iyo Radio One Nation
April 3, 2013 - Written by EditorBoosaaso:-Maamulka Puntland ayaa maanta Albaabada u laabtay saddex idaacadood oo ka howlgala gudaha deeggaannada Puntland waxaana ay kala yihiin ,Radio Daljir, Codka Nabadda iyo Radio One Nation, warqada lagu xiray idaacadahan ayaa waxaa ku saxiixan wasiirka wasaaradda Warfaafinta ee Puntland iyo taliska booliska, waxaana lagu amray in laga bilaabo maanta 12-kii duhurnimo ay damiyaan.
Dowlada Puntland ayaa ku eedeysay idaacadaha albaabada loo laabay maanta in ay jabiyeen amar hore loo soo saaray oo sheegayay inay joojiyaan baahinta idaacado kale oo sii mara saddexdan idaacadood oo aan xarumo ku laheyn deegaannada dowlada Puntland waxaana ka mid ah Radio Bar-Kulan iyo idaacad kale oo ka howlgasha magaalada Hargeysa.
no images were found
Wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa horay u mamnuucday Idaacadii Horseed Media oo ilaa haatan xiran .Agaasimayaasha idaacadaha Radio Daljir, Codka Nabadda iyo Radio One Nation ayaa iska fogeeyey dhamaan eeda uga timid Wasaaradda warfaafinta dowlada Puntland.
M_M Deeq
Halgan.net