Nadwo xalay ka bilaabatay Masaajidka Cali Mataan ee magaalada Hargeysa
April 11, 2013 - Written by EditorHargeysa:-Xalay oo taariikhdu ahayd 29/5/1434 waafaqsana 10/4/2013 ayaa waxaa ay nadwo cilmiyeed ka bilaabatay Masjidka Cali Mataan ee bartamaha Magaalada Hargeysa ka ,Nadwadan oo ciwaankeedu ahaa ka digida waxyaabaha dadka halaaga ayaaa xalay waxa lagaga hadlay الظلم و أنواعه dulmiga iyo noocyadiisa muxaadarooyinka ayaa waxay socdeen muddo laba saacad ah waxaana ka mid ahaa culimadii ka hadashay.
Sheekh Cali Faarax Shire wuxuuna aad ugu dheeraaday dulmiga iyo khatartiisa Waxa kale oo ka hadlay nadwadan Sheekh C/laahi Maxamed Ibraahim oo ka mida culimada magaalada Hargeysa waxa uu ka hadlay raadka xun ee uu ka tago dulmigu iyo cuquubada ka dhalata dulmiga waxa uu sidoo kale sheekhu tilmaamay raadadka xunxun ee uu lee yahay quluwigu iyo in diinta lagu xadgudbo.
Nadwadan ayaa waxa soo qaban qaabiyey soona agaasima Mu,asasada Al-Karam ee dacwada iyo horumarka oo Mu,asasada u taagan dardargalinta dacwada iyo Manhajka Salafka waxaana xarunteeda ay ku taal magaalada Hargeysa.
Waxa la filayaa in ay Nadwada sii socoto caawa iyo habeen danbe waxaana muxaadarooyin iyo tawjiihaad ka jeedin doono culumada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.
Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta inshalaah muxaadaradaadka culumada ay ka jeedshaan nadwada ka socda Masjidka Cali Mataan ee Hargeysa.
Halgan.net
Mu,asasada Al-Karam ee dacwada iyo horumarka