Weerar Lagu qaaday dhismaha Maxkamadda gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho
April 14, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen maanta duhurkii dhismaha maxkamadda gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho waxaana weerarka ka dhashay khasaaare kala duwan.
Weerarka lagu qaaday maanta dhismaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa ku bilaawday Qarax weyn oo ka dhacay banaanka dhismaha waxaana xigay rasaas xooggan oo ragga hubeysani ay fureen ka hor intaaney gudaha u gelin dhismaha maxkamadda gobalka Banaadir.
Ilaa hadda si rasmi ah looma yaqaan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, lagu qaaday dhismaha Maxkamadda gobolka Banaadir balse warar hordhac ah ayaa sheegaya in labo ka tirsan dableydii weerarka geysatay ay dhinteen waxaana ku dhaawacmay laba askari oo ka tirsan ciidanka Booliska DFS.
Ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM ayaa ku hareereysan dhismaha Maxkamadda gobolka Banaadir,waxaana la maqlayaa rasaas .
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarka maanta lagu qaaday dhismaha Maxkamadda gobolka Banaadir.
Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay jiraan khasaaro gaaray dad rayid ah iyo ciidamada ka tirsan Booliska DFS waxaana dhimashu ay haatan mareysaa ilaa 7qof.
A/Cawale
Halgan.net