Guddoomiyaha Xisbiga Midnimo ee Puntland Dr. Saadiq Enow oo ku sii jeeda dalka Maraykanka
April 17, 2013 - Written by EditorMinneapolis:-Guddoomiyaha Xisbiga Midnimo ee dowllada Puntland Dr. Saadiq Enow, ayaa ku sii jeeda dalka Maraykanka isagoo marka hore kulan la qaadan doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Minneapolis ,Guddoomiyaha Xisbiga Midnimo ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu ku sugnaa dalka Swedan isagoo socdaalo kale duwan ku soo maray dalal dhowr ah.
Guddoomiyaha Xisbiga Midnimo ee Puntland Dr. Saadiq Enow, ayaa waxaa uu warbixin iyo xog waran ka siin doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada Minneapolis xaalada siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee ka jirta Puntlland, Xisbiga mucaarad ka ee Midnimo iyo Udad ayaa ah 2-da Xisbi siyaasadeed shaaciyey in aysan ka qayb geli doonin doorashooyinka Golaha deegaanka ee Puntlland oo loo asteeyey in la qabto 30 Jun 2013.
Halkaan Hoose ka Daawo halka iyo waqtiga soo dhaweynta Dr. Saadiq Enow.
Halgan.net