Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo Markale ku celiyey in gubista dhirta in ay tahay danbi
April 17, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha ayaa Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu ka qeyb-galay munaasabadda maalinta dhir beerida Soomaaliyeed, oo lagu qabtay Xarunta Villa Soomaaliya.
Munaasabdan ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Wasiirka Qeyraadka C/Rizaaq Maxamed Cumar, Wasiiradda Arimmaha Bulshadda iyo masuuliyin ka socotay Qaramadda Midoobay.
Madaxweynaha oo war kooban ka sheegay munaasabadda ayaa ku sheegay in ay danbi tahay in la jaro dhirta lana dhoofiyo. “Waxaa jira sharciya ay dowladda Soomaaliya kasoo saartay jaridda dhirta biloowgii 1970kii. Waxaa kale oo jira resolutiono ay soo saartay Qaramadda Midoobay oo ku aadan dhuxusha iyo dhoofinteeda. Waa lama huraan in la dhaqan geliyo sharciyadaan.”
“Markale ayaan ku celinayaa dhoofinta dhuxusha waa danbi. Dhirteena waxaa ku xeran nolosheena. Waa in aan hirgelino sharciyadda dalka iyo kuwa Caalamka si aan u badbaadno.”
Ugu danbeyntii ayuu Madaxweynaha wuxuu isla Madaxtooyadda ku beeray geed cusub lana dar-daarmay dhamaan shacabka Soomaaliyeed in guri walbo lagu beero geed .
Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia