Machadka Dr.Ahmed Xaaji C/raxmaan ee magaalada Garoowe oo ay ka qalin-jebiyeen 132 arday
April 27, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Machadka Dr.Ahmed Xaaji C/raxmaan ee magaalada Garoowe ayaa maanta waxaa ka qalin jebiyey arday gaareysa 132 arday kuwaas baranayey Diploma in business administration ( Maamulka iyo maaraynta ganacsiga), Diploma in Community Development ( Horumarinta bulshada ) iyo Diploma of Computer ,xaflada lagu gudoonsiiyey Shahaadooyinka ardayda ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Munaasabada lagu gudoonsiinayey Shahaadooyinka ardayda ka qalinjebisay Machadka alaha u naxariistee Dr.Ahmed Xaaji C/raxmaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socotay wasaaradda waxbarashada Puntland, maamulka jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Garoowe , culumaa’uddiin iyo dadweyne kale oo badan.
Ugu horeyn waxaa kalimad kooban ka jeediyey xaflada lagu qabtay Machadka Dr. Axmed Xaaji Maamulka Machadka Dr. Axmed Diiriye Maxamed waxaana uu sheegay in ardayda maanta ka qalin-jebisay ay tahay dufcaddii ugu horeysay wuxuuna uu kula dardaarmay inay sii wadaa waxbarashadooda.
Waxaa sidoo kale kalimad qiimo leh ka jeediyey Madaxa Jaamacadda Bariga Afrika ee magaalada Garoowe Fadiilat Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka mid ah culumada ugu waaweyn Soomaaliya wuxuuna ku booriyey ardaydii ka qalinjebisay machadka in cilmiga ay barteen ka miro dhaliyaan umadana u faa,ideeyaan.
Machadka Dr.Ahmed Xaaji C/raxmaan waxaa uu ka mid yahay Macaahida sida weyn looga faa,ideystay deegaanada Puntland waxaana la asaasay ka dib markii ay Ururka Al-Shabaab ku dileen magaalada Boosaaso alaha u naxariistee Sheekh Dr.Ahmed Xaaji C/raxmaan.
Warka oo faahfaahsan Masawira dib baan idiinka soo gudbin doonaa Inshalaah
M_M Deeq
Halgan.net