Daacish oo ku dhagan Ayman Dawaahiri iyo Abu Qataada W/Q C/casiis Maxamed (Dhageyso)
May 2, 2014 - Written by EditorSuuriya :-Shabakaddaha Internetka ee la dhacsan kooxda Khawaarijta ee Daacish ayaa waxaa lagu faafiyey wax ay ku sheegeen Tacliiq uu leeyahay (للشيخ عمر مهدي زيدان ) Abu Mundir kaas oo radinaya Hogaamiyaha Ururka Al-Qaacida Dr Ayman Dawaahiri waxaana uu daba joogaa baaq Dr Ayman ee Cinwaankiisa uu ahaa (شهادة لحقن دماء المجاهدين بالشام) Halkan ka Dhageyso Baaqii Dr Ayman Al-Dawaahiri.
Waxaa aad ula yaabay dhiiranaata wadaadka isku magacaabay (للشيخ عمر مهدي زيدان ) iyo mustawaha cilmiga ee uu goobta la yimid waxaa jira qormooyin badan uu leeyahay wadaadkan oo u baahan in la soo bandhigo si Manhajkiisa loo cadeeyo. لشيخ عمر مهدي زيدان ayaa waxaa hadda ka hor uu ka mid ahaa wadaado bayaan ka soo saaray koox Takfiir ah oo ka dilaacday magaalada Zarqaa ee dalka Urdun waxaana lagu xiray dhowr mar dalka Urdun oo uu ka soo jeedo sida aan filayo.
Hoos ka Dhageyso للشيخ عمر مهدي زيدان Abu Mundir oo radinaya Dr.Ayman Dawaahiri.
Abu Mundir ayaa sidoo kale waxaa uu tacliiqiyey oo radiyey Risaaladii Abu Qataada Al-Falstiini oo maalmo ka hor soo bandhigay risaalo uu kaga digayo kooxda Daacish wuxuuna ku tilmaamay in ay yihiin eyda naarta.Halkan ka Akhriso Risaalada Abu Qataada
Hoos ka Dhageyso للشيخ عمر مهدي زيدان Abu Mundir oo radinaya Abu Qataada Al-Falastiini.
Xaalada ka dhex aloosan taageerayaasha Al-Qaacida iyo Daacish ayaa ah mid faraha ka sii baxeysa waxaana ay hayaan Manhajkii ay culumadooda ku tarbiyeeyeen.
Wadaadkan ku dhagan culumadii Al-Qaacida ayaa waxaa uu ku eedeeyey hogaamiyaha Al-Qaacida Dr.ayman in uu isku dayey in uu kala dhantaalo midnimada Al-Shabaab,isaga oo magacaabay Abu Mansuur Al-mriki iyo rag kale wuxuuna sheegay in uu haatan uu rabo in uu kala dhantaalo kooxda Ansaar Al-Shareeca ee dalka Yemen .
Abu Mundir ayaa fitnada ka socota Shaam dusha uga tuuray Dr.Ayman Al-Dawaahirii isaga oo ugu baaqay kooxaha Jihaadiyiinta ah in ay iska jiraan Dr Ayman iyo hogaanka Al.Qaacida oo uu ku sheegay kuwa lumay oo inxiraafay,
C/Casiis Maxamed
Halgan.net