Dayax Madoobaadka September Iyo Aragtiyaha Kala Duwan Ee Diimaha W/Q Dr Axmed Buxane
October 1, 2015 - Written by EditorSida aynu la wada socono madoobaanshiiyaha dayaxa iyo cadceeda labaduba waa laba dhacdo oo aragtida cilmiga ah ee casrigan tilmaan u ah dhacdo marxaladeed yar oo uu dhulku ama dayaxu marba mid kagu gudbamayo xagga iftiinka cadceeda dabadeedna uu hadhka ka samaysmay uu dhulka ama dayaxu kolba kan kale ku beegmayo, sida in dayaxu toos ugu beegmo cadceeda kalana dhex galo cadceeda iyo dhulka dabadeedna hadhkiisu si dhamaystiran ama qayb ka mid ah cadceeda ka qariyo dhulka taasi oo lo yaqaano qorax madobaad kaasoo noqon kara mid dhamaystiran oo qoraxdu wada qarsoonto ama qeyb ka mid ahi qarsoonto ah in waqti ah, Aragtida la arkayaana lagama wada arkayo dhulka ee qaybo ka mid ah ayaa laga arkayaa maadaama ay qoraxdu aad ugaga weyntahay, dayaxu ma wada qarin karo qorraxda, sidoo kalena marka dhulku dayaxa kaga beegmo cadceeda taasina ay keento in hadhka dhulku qariyo dayaxa loona yaqaano dayax madoobaad, hadaba waxa ay ku kala duwan yihiin xajmiga dhulka oo ka weyn kani dayaxa ayaa muddo ay qaadaynaysaa inta dayxaasi uu ku jirayo marxalda madoobaanshiiyaha, sidoo kale waxaa suura gal ah in aad aduun weynaha badankiisa laga arki karo waqtiyo aad isugu dhow.
Dr. Axmed Buxane
drbuxane@gmail.com