Agaasimaha Tv-ga Universal C/llaahi Xirsi Kulmiye iyo Wariye Cawil Daahir oo la sii daayey
October 7, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa wax yar ka hor la sii daayay Agaasimaha Tv-ga Universal C/laahi Xirsi Kulmiye iyo Wariye Cawil Daahir Salaad oo 6 Lix Maalmood ah ku xirnaa xabsi ku yaal Muqdisho waxaa la xiray ka dib barnaamij ka baxay Tv-ga Universal ee Dood Wadaag.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Tv-ga Universal ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Agaasimaha Tv-ga Universal C/llaahi Xirsi Kulmiye iyo Wariye Cawil Daahir Salaad ay Xoriyadoodii ay dib u heleen.
Warar aan wili la xaqiijin ayaa sheegaya in DFS ay fasaxday in uu dib u howl galo Tv-ga Universal magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS ayaa waxaa uu Xeer Ilaaliya Guud ee Qaranka u Qoray Warqad uu ku dalbanayo in si degdeg ah loo soo daayo Agaasimaha Tv-ga Universal C/llaahi Xirsi Kulmiye iyo Wariye Cawil Daahir Salaad .
A/Cawale
Halgan.net