Ciidamada badda dowladda Puntland ee PMPF oo qabtay 6 doon oo sharci daro ku kaluumaysanayey.[Masawiro]

October 17, 2015 - Written by Editor

IMG_3651Boosaaso:-Ciidamada badda dowladda Puntland ee PMPF ayaa howl galo ay sameeyeen waxaa ay qabteen doonyo dhowr ah oo si sharci daro ah uga kaluumaysanayey xeebaha Soomaaliya gaar ahaan dhinac Puntland waxaaan doonyahaan la qabtay degmada Caluula ee Gobolka Bari.

Ciidanka badda ee dowladda Puntland PMPF ayaa maanta saxaafadda u soo bandhigay doonyo ay ku soo qabqabteen hawl gallo ay ka sameeyeen xeebta degmada Caluula iyagoo soo bandhigay shaqaalo ajaanib ah oo iskugu jira Iraan iyo Yemaniyiin si sharc daro ah uga kaluumaysanayey xeebaa badda ee Puntland.

Doomahan ay soo qabteen Ciidamada badda dowladda Puntland ee PMPF ayaa waxaa saarnaa shaqaalo gaaraya ilaa 130 shaqaalo u badan Iraaniyiin , Yemaniyiin iyo dhowr soomaali ah oo ilaalo u ahaa.

Taliyaha ciidamada badda Puntland Adminal C/risaaq Diiriye Faarax oo shir jara’id ku qabtay ayaa us heegay saxaaafadda in cidanku ay qabteen ilaa 6 doonyood oo si sharci daro ah u kaluumaysnayey si dhaqso ahna ay Maxkamada ugu gudbin doonaa.

Taliyaha ciidamada badda Puntland Adminal C/risaaq Diiriye Faarax ayaa digniin u jeediyey doonyaha aan wada sharciga kuwaas oo uu sheegay in talaabo laga qaadi doona haddii aysan sharciyadooda wadan markii ay ciidanka badda Puntland ay ku qabtaa howl galo.

Ugu danbayntii ayaa Taliyaha ciidamada badda Puntland Adminal C/risaaq Diiriye Faarax waxaa uu ugu baaqay doonayaha aan weli lahayn sharciga kaluumaysiga in ay si dhaqso ah iskaga diiwaan geliyaan wasaaradda Kaluumaysiga yo kheyaadka badda ayna ka soo qaataan waraaqaha aqoonsiga iyo ogolaasho rasmi ah.

no images were found

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online