Madaxweynaha dowladda Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyey Muqdisho.[Masawiro]

October 18, 2015 - Written by Editor

IMG_9726Muqdisho:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Max’ed Cali Gaas oo ay weheli yaan wafdi balaaran oo ka kooban golayaasha Dawladda Puntland iyo ururada bulshada ayaa maanta 18-10-2015 gaaray magaalada muqdisho kadib markii ay kasoo anba berxeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyagoo ku sii jeeday magaalada Muqdisho halkaas oo ay wafdigu gaareen gabal dhicii maanta.

Wafdiga Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Airport ee magaalada muqdisho si weyn ugu soo dhoweeyey Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Somalia Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya mahad cabdalla cawad iyo sidoo kale qaar ka mid ah Golayaasha Dawladda Federaalka Somalia iyo dadweyne tiro badan.

Soo dhoweynta ka dib Madaxweynaha Dawladda Punt;and Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas , Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyop Madaxweyaha Jubbaland ayaa warbaahinta la hadlay waxayna sheegeen in shirkii wada tashiga qaybtiisii labaad ee loo balan sanaa ay ka qayb geli doonaan isla markaana lasii anba qaadi doono ajandayaashii ku salaysnaa xaaladda siyaasadeed ee Somalia iyo 2016.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa sheegay in Dawladda Puntland ay markasta hormuud u tahay ka talinta aayaha iyo mustaqbalka dalka oo dhan, isla markaana ay wax wanaagsan ka rajaynayaan in laga soo saaro shirka wada tashiga oo maalinta beri ah ka furmaya magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa soo dhoweynta ka dib loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqidsho, halkaas oo ay ku sugnaan doonaan mudada Madaxweynaha iyo wafdigiisu ay joogayaan magaalada Muqdisho.

Shirka wada tashiga hiigsiga 2016-ka ayaa maalinta beri ah ka furmaya Magaalada Muqdisho kaasi oo socon doona mudo labo maalmood ah, waxaana la rajaynayaa in si wada jir ah ay usoo saaraan go’aamo Dawladda Puntland , Dawladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Jubbaland iyo maamulka KMG ah ee koonfur galbeed.

no images were found

–DHAMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta Hiddaha iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

 

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online