Hay’adda Al-Ixsaan oo siminaar u qabatay ganacsatada magaalada Nairobi (Masawiro)

October 18, 2015 - Written by Editor

10Nairobi:-Hay’adda Al-Ixsaan ee horu-marinta bulshada ayaa maanta siminaar u qabatay ganacsatada Soomaaliyeed magaalada Nairobi, waxaana siminaarku ahaa mid ay aad uga faa’iideysteen.

Siminaarka ayaa waxaa duruus ku lahaa labada sheekh ee Soomaaliyeed ee caanka ah:-

1. Sh. Maxamuud Shibli.

2.Sh. Maxamed Cabdi Umal.

Darsiga hore ayaa waxaa galay sheekh Shibli, wuxuuna ku saabsanaa: Dhaqanka wanaagsan ee laga doonayo ganacsadaha muslimka ah, isagoo ku soo ban-dhigay nusuus waafaqsan mowduuca uu u xulay ganacsatada siminaarka ka faa’iideysaneysay.

Intaas ka dib waxaa darsiga labaad galay Sh. Maxamed Cabdi Umal, isagoo sidoo kale sharraxay sida looga baahan yahay ganacsatada iney meel wanaagsan ugu bixiyaan xoolaha Illaahay siiyey.

Sheekha ayaa ugu dambeyntii la dar-daarmay ganacsatada, wuxuuna ku boorriyey iney isku xirnaadaan, bulshadooda iyo danta guudna ay ka qeyb qaataan.

Dr. Aadn Sh. Cali Saalax oo ku hadlayey afka hay’adda Al-Ixsaan ayaa sharraxay howsha ay hayso hay’adda, isla markaasna wuxuu ku nuux nuuxsaday in ganacsatada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan looga baahan yahay iney iska kaashadaan sidii wax loogu qaban lahaa umadda.

Intaas ka dib waxaa hadalku u wareegay ka soo qeyb galayaashii siminaarka, iyagoo ra’yigooda iyo su’aalaba la wadaagay culimadii macalimiinta ka ahayd siminaarka.

no images were found

Siminaarka ayaa waxa uu ku soo dhamaaday jawi aad u qurux badan, iyadoo ganacsatada ay codsadeen in dowrooyinka ceynkaan oo kale ah loo qabto.

Halgan.net
Ixsaanmedia
Nairobi

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online