Madaxii doorashooyinka S/land iyo 8 xubnood oo la socday oo laga sidaayey Xabsi ku yaal degmada Baran.[Dhagayso]
October 19, 2015 - Written by EditorBaran:-Madaxii gudiga doorashooyinka S/land iyo 8 xubnood oo la socday ayaa laga sii daayey Xabsi u yaal degmada Baran a dib markii maalin ka hor ay ciidamo uu watay Taliyaha ciidanka dowladda Puntland ee Gobolka Sanaag Col.C/llahi Cumar Canshuur ay qabteen ka dibna ay ku xireen Xabsi ku yaal degmada Baran ee Gobolka Sanaag.
Madaxii gudiga doorashooyin ka Somaliland Cumar Jaamac oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa u sheegay in ciidamo ka tirsa Puntland ay xireen agabkii a wateen ay kala wareegeen isagoo dhinac kale sheegay in si waaagsan loola dhaqmay. Madaxii gudiga doorashooyin ka S/land Cumar Jaamac waxaa kale oo VOA u sheegay Ciidamada xiray ay ka soo horjeedeen howlaha la xiriira doorashooyinka S/land oo la doonayey in laga hirgeliyo Gobolka Sanaag.
Madaxii gudiga doorashooyin ka Somaliland Cumar Jaamac ayaa xusay insii dayntiisu ay timd ka dib marii dadaal badan iyo wada hadal lala galay taliyaha ciidamada Puntland ee qeybta Badhan Col.Cabdullahi Cumar, ka dib markii ay dad badan la hadleen, sidaasna lagu sii daayey.
Hoos ka Dhagayso Weriyaha VOA ee Hargeysa Barkhad Kaariye ayaa wareystay Cumar Jaamac Faarax.
M_M_Deeq
Halgan.net