Madaxweynaha DFS oo furay Shirka wada tashiga Qaran ee doorashada 2016
October 19, 2015 - Written by EditorMadaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka wadatashiga Soomaaliya oo ay ka qeyb galayaan Madaxda Dolwadda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jira. Shirka wadatashiga ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Ciidamada Cirka ee Afziyoone oo aan ka fogeyn Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey shirka wadatashiga wuxuuna sheegay in in shirkan uu ahmiyad gaar ah uu shacabka u leeyahay isla markaana ay ka wada tashanayaan aayaha dalkooda,isaga balan qaaday in dowladiisa ay fulin doonto talooyinka ka soo baxa shirka wadatashiga
Sidoo kale Shirka ayaa la filayaa in ay ka hadlaan Madaxweyneyaasha maamulada dalka Puntland,Gal-Mudug,Koofur Galbeed iyo Jubbaland.
Shirka watashiga ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha DFS Xassan Sh Maxamuud , Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Maamul goboleedyada, Wasiiro, Xildhibaano, wakiilo ka socda Beesha Caalamka.
Shirkaan ayaa lagu wadaa inuu Muqdisho ka socon doono ilaa Barrito waxaana la wada dhowrayaa wixii ka soo baxa .
A/Cawale
Halgan.net