Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo qabsaday Degmada Wabxo ee gobalka Galgaduud
October 20, 2015 - Written by EditorCiidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa ciidamo ka tirsan Al-shabaab kala wareegay maanta gacan ku heynta deegaanka Wabxo oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ka dib dagaal kooban oo ka dhacay daafaha Wabxo. Col.Axmed Maxamed oo ka tirsan saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegtay inay si buuxda gacanta ugu hayaan Waxbo, isla markaana ay wadaan howlgalo ka dhan ah ururka Al-Shabaab .
“Ciidamada waxay dagaal la’aan kula wareegeen Wabxo iyo deegaanada ku dhow dhow oo awal ay dhuumaaleysi ku imaan jireen, ciidamo ka tirsan Al-shabaab waxaana qorshaheenu yahay inaan gaarno deegaanada kale”ayuu yiri Col, Axmed Maxamed .
Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa sheegay in ay isku furi doonaan Xarardheere ilaa Aadan Yabaal sida ay warbaahin Muqdisho u sheegay Col.Axmed Maxamed. Ciidamda DFS iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala gobalka Gal-gaduud iyo Hiiraan ayaa dhowr mar qabsaday deegaano ay heysteen Al-Shabaab iyagoo mudo yar ka dibna isaga baxay.
A/Cawale
Halgan.net