Wasiirka Amniga ee dowladda Puntland oo laga waraystay ku biirista Al-shabaab ee ISS.[Dhagayso]
October 24, 2015 - Written by EditorBoosaaso:-Wasiirka Amniga dowladda Puntland Cabdi xirsi Cali Qarjab oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda SBC ayaa waxaa wax laga wiidiiyey ku biiristay Garaba Al-shabaab ee Buuraha Golis ay ku biireen Ururka Daacish [SS] horayna uga tirsanaan jiray ururka Al-shabaab oo ah farah ka mid ah Al-qaacida.
Wasiirka Amniga dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in aysan jirin wax dhinacooda farqi ah oo u dhexeeya Daacish iyo ururka Al-qaacida balse ku biirista Garabka Al-shabaab ee Buuraha Golis ee Daacish ayaa waxaa ku sheegay mid dhaqaalo iyo Taageero looga doonayo kooxaha Daacish ee Yeman.
Wasiirka Amniga dowladda Puntland Cabdi xirsi Cali Qarjab ayaa xusay in Ciidanka amnigu ay la dagaalmi doonaa cid walba oo isku dayda in ay wax u dhimaan amniga Puntland isagoona ugu baaqay shacabka Puntland in lala dagaalamaan Al-qaacido iyo Daacishba.
Hoos ka Dhagayso waraysiga Wasiirka Amniga dowladda Puntland Cabdi xirsi Cali Qarjab ee SBC
[audio: http://allsbc.com/sbcon/wp-content/uploads/2015/10/Wasiirka-Amniga-Maamulka-Puntland.mp3]
M_M_Deeq
Halgan.net