Xildhibaanada Baarlamaanka PL oo aqbalay is casilaadii guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland.[Masawiro]

October 28, 2015 - Written by Editor

DSC07643Garoowe:-Waxaa goor dhow kulan deg deg ah yeeshay golaha wakiilada dowladda Puntland waxaa ay ka doodeen is casilaadii guddoomiyaha Baarlamaanka dowladda Puntland Siciid Xassan Shire waxaa kulanka shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Puntland Cabdixamiid Cabdisalaan. Kulanka golaha wakiilada ee Puntland ayaa saaka waxaa soo xaadiray ilaa 50 Xildhibaan waxaan dood dheer iyo falaqayn is casilaadii gudoomiyaha Baarlamaanka dowladda Puntland Siciid Xassan Shire si gacan taag ah ay Xildhibaanadu u aqbaleen is casilaadii Gudoomiyaha Baarlaamka Puntland.

Xoghaya Golaha wakiilada dowladda Puntland Cali Dhahar ayaa waxaa uu Xildhibaanada ka hor akhriyey in Xildhibaano gaaraya 40 ay mooshin xilka looga qaadayo ay ka gudbiyeen gudoomiyaha Baarlamaanka dowladda Puntland Siciid Xassan Shire ka dibna ay cod u qaadeen ka dibna ay mooshinkaas ay u codeeyeen ilaa 47 Xildhibaan , halka 2 Xildhibaan ay diideen , hal Xildhibaana uu ka aamusay.

Ugu danbayntii ayaa Gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada ee dowladda Puntland Cabdi xamiid Cabdisalaam waxaa uu golaha wakiilada ee Puntland ka hor sheegay in xilka laga qaaday gudoomiyihii Baarlamaanka dowladda Puntland Siciid Xassan Shire.

Gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada ee dowladda Puntland Cabdi xamiid Cabdisalaam ayaa yiri ” Xildhibaanadu waxay cod u qaadeen Iscasilaada Gudoomiye Saciid Xassan Shire iyo xubintiisa xildhibaanimada oo uu iska casilay waxaana ay si rasmi ah u ogalaaday iscasilaada Gudoomiyaha ilaa 45 xildhibaan halka ay diideen 5 Xildhibaan.

no images were found

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online