Maxaa u sahla Ducaada Dadka iney bartaan?

December 25, 2012 - Written by

Dadka kale oo la barto muhiimad gaara ayey u leedahey dadka dacwada ilaahey ka shaqeynaya amaba ducaada, sidaa daraadeed haddii aan lala imaan caqabad weyn ayey ku tahey Dawacada iyo dadka ka shaqeynayaba, si loo xaqiijiyo arintaa dadku way ku kala duwan yihiin, xirfado u kala gaarana ayey u maraan, si kheryka dadka u gaarsiiyaan.

 Taalabada ugu horeysa ee barashada dadka waa tan ugu adag ee soo wajahda dadka ducaada, qofkii joogteeyana dib way uga fududaataa, wuuna ku guuleystaa si uu uga sal gaaro hadafkiisa dacwadeed. Talaabada ugu horeysa waxa weeye qofka daaciga inuu ogaado muhiimada diineed ee isbarashada iyo isbarida dadku leedahey isagoo ka amba qaadaya hadalka Eebe( waxaan idinka yeelney shucuub iyo qabaa’il si aad isugu garataan), ajarka laga helayo isbarashadan waa mid weyn waa hadii khery loo niyeysto iyo in la gudanayo Dacwo ilaahey, Nabigu CSW wuxuu yidhi isagoo la dardaarmaya Cali Binu Abii Daalib RC ( Nin qudha oo ilaahey dartaa ku hanuuniiyo wuxuu ka khery badan yahey Aduunyo iyo dusheeda waxa saaran).

Dhoola-cadeynta, waa talaabada xigta oo qof walba oo doonaya dadka iney isbartaan dacwana guto inuu xooga saaro, is barasho ma jirto dhoola-cadeyn la’aan, qofkii fududeysta wuxuu lumiyey qeyb weyn oo soo dhaweynta dadka ah, nabiguna SCW wuxuu ka yidhi arintan:”Walaalkaa oo wajiga aad u fur-furtaa waa sadaqo”, nabiguna wuxuu ahaa mid waji fur-furan oo dadkuna jecelyihiin.

 Dadka oo gacanta la geliyo marka la salaamayo, waana khery la sameeyey hadii niyad wanaagsan lala yimaado, Xadith uu warinayo Xudeyfa binu Yaman Ilaahey haka raali noqdee wuxuu ka wariyey Nabiga CSW inuu yidhi:”Qofka Mu’minka hadii uu la kulmo Mu’min kale uuna salaamo, gacanta ay is dhaafsadaan danbigoodu wuu daadanayaa sida geedka caleemuhu uga daataan”.

Dadka oo magacyadooda la barto lana xafido intii macquula, waxaana isu soo dhaweeya magacyada ay jecelyihiin ooy isugu yeedhaan, taladuna waxey tahey dadka ducaada iney ku dadaalaan barashada iyo xifdinta dadku magacyada ay ugu jecelyihiin, arintani waxey ka saacideysaa si fudud quluubta dadka iney u hantaan, sidoo kalena waa xuquuq Walaaluhu isku leeyihiin.

Dadka oo la isbaro in lagu deg-dego, waayo inta badan dadku arintan waa mid ay ka gaabiyaan mana jecla qof qof mooyee sababa jira, sida xishoodka iyo kuwo kale oo arintaa ku riixa, haba ugu horeyso Sheydaanka oo was-waas qofka qalbigiisa ku tuura si uu uga hor istaago kheyrka isbarashadu leedahey, waxaana quman inuu qofku Ilaahey talo saarto si uu uga gudbo caqabadahaas.

Baryada Ilaahey oo Qofka daaciga uu kaalmeyso iyo in Ilaahey uu waafajiyo kheryka uu damacsan yahey inuu sameeyo. Goor iyo xilli munaasib ku ah inuu ku beego Daacigu barashada qofka kale uu damacsan yahey inuu xidhiidh isbarasho la yeesho, waayo qofka daaciga waxaa looga baahan yahey had iyo jeer inuu yahey qof dhiifoon oo soo jeeda si uu u xaqiijiyo toogtiisa ugana gun gaadho.

Ilaahey dartii oo dhamaan arimahaan soo sheegney loola niyeysto gaar ahaan isbarashada, tan kale waa in aanu Faqiirka ka dooran qaniga, mid uu dan ka leeyahey kan kale waa inaanu ka hor marin, dan aduunyo inaanu u baran, balse isbarashadu ay tahey mid Ilaahey dartii iyo raali gelintiisa loo sameynayo, xadiithkuna waa kii ahaa( hadhka ilaahey qiyaamaha waxaa hadhsanaya labo ilaahey dartii isu bartey-isu jeclaadey- sidii iyagoo ah aakhri tegay).

 

Xigasho :http://www.almoslim.net/node/175358

Qore;خالدرُوشه

 

 

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online