Shirkadda Golis oo dayactir ku sameysay Saldhiga Booliska ee Qardho

December 26, 2012 - Written by

Qardho:-Shirkadda Isgaarsiinta Golis xarunteeda magaalada Qardho ayaa waxa ay tayactir ku samesay qeyb ka mid ah Saldhiga booliska magaalada Qardho,kaas oo aan wax tayactir helin tan iyo wixii ka danbeeyey Dowladda dhexe ee somaliya.

Shirkadda Golis ayaa waxa ay dib u habeysay Darbiga dheer ee ku sii jeeda laamiga iyo xafiisyada  ay haatan ku shaqeeyaan Ciidan ka Booliska Qardho,labo ka mid ah qolalka maxaabiista lagu xiro.

Kuxigeynka Duqa degmada Qardho C/risaaq Cali Carta oo ka hadalay shaqada ay qabatay Shirkadda golis ayaa waxa uu amaan u jeediyey Madaxda Golis sida ay u dayactireen Saldhiga Booliska Qardho,waxa uu xusay in Golis ay wax badan ku soo biirisay Puntland meelo badana ay wax ka qabteen sida in ay ka qeybqaadato arimaha Bulshada,waxa ay Qardho ka qabatay howlo badan waxaa ka mid ah gacan ay ka geystay dhismaha isbitaalka Qeybta ay dumarka ku dhalaan,waxa ay silig ku soo wareejiyeen beeraha ku yaalo suuqa Qardho iyo arimaha deegaanka.

Xoghaayaha Dowlada Hoose Qardho Maxamuud Xasan Shire ayaa sheegay in uu amaan u jeedinaayo Shirkadda golis gacanta ay ka geystay dayactirka Saldhiga booliska Qardho,waxa uu sheegay in waxa ay qabatay Golis ay tahay tusaale ku dayasho mudan,waxaana shirkadaha kale loogu fadhiyaa in ay sidaan oo kale ugu qeybqaataan dayactirka saldhiga Booliska Qardho,waxaana hubaal ah in Golis ay qaaday talaabo kudayasho mudan.

no images were found

Taliyaha Saldhiga Booliska Qardho Siciid Xirsi Ibraahim ayaa sheegay in shirkadda golis ay dayactir ka geesatay darbiga hore ee ku jeeda laamiga,qeybaha ay haatan ku shaqeeyaan ciidanka,sida qeybta oobiga,qeybta danbi baarista,iyo qeybo kale,waxa uu sheegay in dowladda ay dhistay labo qol oo loogu talagalay in lagu xiro maxaabiista iyo qol lagu xareeyo Hubka,waxa uu sheegay in saldhiga wali u baahanyahay dhismo dayactir badan,waxaa wax qabasho u baahan qolalkii ay dagnaayeen ciidanka,iyo qeybha danbe oo dhan,waxa uu shirkadaha ugu baaqay in gacan weyn ay ka geestaan sidii loo dayactiri lahaa Saldhiga booliska Degmada Qardho .

Shiikh Axmed Cawale Gare oo ah maamulaha Shirkadda Golis Qardho waxa uu sheegay in shirkada ay ka qeybqaadato arimaha bulshada,waxbarashda,wadooyinka,hadana ay dayactir ay ku sameeyeen saldhiga booliska Qardho,waxa uu sheegay in xafiisyada saldhiga ay dayactireen,waxa uuna sheegay in arintaasi ay tilmaam u tahay waxyaabaha ay u qabtaan Bulshada,illa iyo haadana waxa uu sheegay in shirkadda ay diyaar u tahay in ay ka qeybqaadato wax qalbo oo ay u baahnatahay Bulshada.

Abdirahman Black
Qardho

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online