Al-Shabaab oo dib u qabsaday Degmada Xudur ee xarunta gobalka Bakool

March 17, 2013 - Written by

Magaalada-BaydhaboBaydhabo:-Wararka ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya gobalka Bakool ayaa sheegaya in Degmada Xudur ay dib ula wareegtay gacan ku haynteeda ciidamada Al-Shabaab ka dib markii ay halkaas isaga baxeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFS waxayna fariisin ka sameysteen duleedka Degmada Xudur.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bakool iyo kan degmada Xuddur ayaa la sheegay inay aadeen  dhinaca Degmada Ceelbarde, Lama garanayo sababta ay ciidanka uga baxeen Degmada Xudur.

Goobjoogayaal ku sugan Degmada Xudur ayaa  warbaahinta u sheegay in ciidan ka tirsan Ururka Al-Shabaab  ay ku sugan yihiin gudaha Degmada Xudur.

Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan DFS oo ka hadlay qabsashada Degmada Xudur ,waxaana ku sii qulqulaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay Xildhibaano iyo masuuliin ka tirsan DFS oo ka soo jeeda gobalada Bay iyo Bakool .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online