Dabarrada Fitnada W/Q Sh. Fu’aad Max’ud X.Nuur

March 15, 2013 - Written by

fuaadWaxaynu joognaa xilli fitnadu ay badan tahay, waxaan joognaa xilli dunidu dabaadi tahay, waxaa aad u badan dadka fitnada ku adeegta, u adeega dadkana u adeejiya. Waxaa in badan oo dadka ahi si aan ka fiirsi lahayn ula marqaamaan, ama ugu jidboodaan markay arkaan dad xoogaa ciidan ah isu keenay amaba ka taliya magaalooyin, iyagoo uhaysta in xaqu saas yahay amaba ay la noqoto in markiiba cid walba laga soo horlaaban karo amaba shaarubaha laga leefi karo cid walba, halkaan ayaa waxaa u saran in  dawlad nimo la gaaray ama la gaari doono mar dhaw, waxaan u qiimaysnayn waayaha iyo duruufta lagu noolyahay, sidoo kale waxaan marna isugu jaan go’nayn awoodda ay haystaan iyo waxa ku xeeran oo awoodo ah, ama ha ahaadeen kuwo dawli ah, ama kuwo goboleed.

Max’ud Ildab AUN ayaa tix ku cabbiray hawada iyo sida loogu hodmo, jidbada dadku ay u hayaan kii markaas xoogaa isku dubbarida, waxa uuna yiri:

Gu’ hagaagey geedo is-huwadey hogobbadoo laacay

Harriskiyo haddii lagu dhex-jiro heerka iyo baarta

Intaan belo hareeraha ka timid hurinin baaruudda

Hitler baa la moodaa ninkii heysta toban ruuxe

Haweenkiyo caruurtaa u fili haadka xoog badane

Harka iyo habeenkiyo subxiga hiirta soconeysa

Waxaa dunida howsha ugu wacan haatan la ogaaye

Hawo soo siyaaddaa nafluhu haabo leeyahaye

Hadaftiyo habaas gulufka iyo hor isu qaad-qaadka

Hubka leysu doonanahayiyo soo-hayada yeeri

Sharta leysu hoosimahayaan lagu heshiineynin

Hud-hudkaasi wuxuu soo wadaa had iyo leysaane.

Nuur Cali Qonof AUN ayaa isna yiri:

Hawo durugsan meel dheer hadday, himilo kuu hayso.

Ay hiinyadeed kugu jirtood uurka, ka hugmaysid.

Hinji talada meelaada hubin looma. Haayiroe.

Ee waliba heel heel kolbaad marinka, seegtaaye.

Haddaba gacaliye/gacaliso wax walbaa waxay leeyhiin dabar lagu qabto, ama seeto lagu seeteeyo, marka qodobada soo socdaa waa dabarro ama srrtooyin aad fitnada isaga dabraysid ama isaga seetaynaysid.

  1. Haddii fitno aad aragtid: ku dadaal turriinsho, tartiibsi iyo dulqaad.
  2. Isku day inaad fahantid nooca fitnadu ay tahay si aad u gaartid go’aan sax ah.
  3. Ku dadaal in aadan ka tagin Caddaaladda.
  4. Ku dadaal inaad ilaalisid Jamaacada Muslimiinta, ka fogoow khilaafka iyo xagjirnimada.
  5. Calamada la lulayo xilliga fitnada ku miisaan miisaanka Ahlusunnaha.
  6. Xiriir la yeelo dadka xaqa wada, gaar ahaan Culimada.
  7. Iska ilaali in aad ku jaangoysid axaadiista fitnada xilli gaar ah.
  8. Haka mid noqon masaxda fitnada, ee ka fogoow fitnada waligaaba.

Sacad ina Abii-waqaas A.K.R.N ayaa lagu yiri xilligii fitnada kaalay oo na raac, markaas ayuu yiri maya, saa waa lagu celceliyay markaas ayuu yiri waayahaye ii keena seef leh laba indhood oo wax arka iyo carrab dhawaaqaya, oo oranaysa kan waa gaal oo aan dilo markaas, marna oranaysa kani waa muslim oo aan ka joogsado markaas!!!, markaas ayuu u sheegay tusaale tusaya sida ay kala yihiin asaga iyo kuwa fitnada ku ordaya waxa uuna yiri: Waxaynu la midnahay aniga iyo idinku sidii dad hayey oo ku socdaalayey dariiq cad oo aan leexleexad lahayn, oo say ugu socdeen dabayl xooglihi ku kacday oo habaas dartii dariiqii la garan waayey, oo markaas qolo ay tiri dariiqii midig buu inaga xigaa markaas ayey mareen oo lumeen, qolo kale ayaa ayguna u bayray xagga bidix iyaguna waa lumeen, qolona waxay tiri war dariiq cad baynu ku soconay ee ina dajiya meesheena markay dabayshu joogsato oo habaasku baaba’o ayaynu dariiqii helaynaaye, markaas ayey dageen oo meeshoodii fariisteen markii dabayshii go’dayna dariiqii bey heleen.

Maymuun ina Mihraan AUN ayaa yiri kuwaas ayaa Jamaacadii ah, waxay yiraahdeen waxaan ku sugnaanaynaa wixii Nabigu S.C.W uu nooga tagey, fitnana ma galayno ilaa aan la kulano asaga S.C.W. Haddaba walaal ka fogow fitnada, iska ilaali in aad ka qaybqaadatid laynta muslimiinta, iska ilaali in aad lacag ku taageertid, iska ilaali inaad qalin ku biirisid, iska ilaali inaad qalbiga ka jeclaatid fitnada iyo ehelkeedaba.

Cali Cilmi Af-yare AUN ayaa isna yiri:

Waa galan-gal oo kale nabsigu garanse meysaane

Gaawaha haddaad buuxsatiyo goceyga xooleysan

Hadba gooddi iyo qaan haddaad geda-gedoodeyso

Gabiil adan lahayn iyo haddaad gurato luubaanta

Gar-gaarkii laguu galay haddaad gees isaga laabto

Guuleysan-meyside  adaa  gubey  naftaadiiye

Afki laba gar loo kala dhigaa geeri wow halise

Gadiidkiyo hoggaankaan adkeyn waa midkii go’a’e

Gudoodiga waddadi toosan baad guure socotaaye.

 Waxaa Qoray Sh. Fu’aad Max’ud X.Nuur
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online