Xalay maxaa caawa uga eg qaybta 1aad W/Q Abdirashid Mohamoud

March 13, 2013 - Written by

Maqaal-300x158Nairobi:-Xikmada Quraanku waa mid aan dhamaan had iyo jeerna waaqica lasocota, Quraan badan ayaa kusoo degay inuu ka sheekeeyo taariikhdii ummadihii inaga horreeyay si aynu ugu cibro qaadanayo. Waxaa in badan Qur,aanku ka waramay dadka muslixiinta ah (Nabiyada iyo Salixiinta) dadka qaarkood inay u arkaan inay fasaad wadaan oo ay aduunka kharibayaan, aragtidaasi badanaa waxay ku saabsanayd qofku inuu ilaashado mansab uu haysto ama mid uu damacsan yahay inuu gaaro.

Haddii aan dib u eegno wixii kala haystey Anbiyadii Allaah iyo qoomamkii kala duwanaa ee mid walba loo soo diray, Nabi nuux (CS) iyu qoomkiisii waxay ku yiraahdeen, reer Caad waxay ku yiraahdeen Nabiyulaah Huud (CS), reer Thamuud iyo wixii dhexmaray Saalix (CS).Waxaynu oo kale tusaale usoo qaadan karnaa Asxaabul Ukhduud dadkaas waxaa loo laayay inay rabbigood ku toosnaadeen oo rumeeyeen waxaana loo arkay inaysan la jaanqaadi Karin wixii meeshas lagu hayay. Waxaa taa kuula mida Asxaabul Kahf oo iyaga laftigoodu ku eedoobay rumaynta ilaahood iyo inay diideen xumihii ay dadkaasi ku dhaqmayeen(Shirki). Waxaan iyana taas ka fogayn nimankii Asxaabul Qaryah ee ilaahay labada rasuul usoo diray markay diideenna mid kale kusoo xoojiyay hase heeshee dhammaanba loogu goodiyay in la layn doono wanaagga ay wadaanna aan raalli laga ahayn. Waxaa dariiqaas soo wada maray dhammaan anbiyadii ilaahay soo diray kuwaaso qaar la dilay kuwo ay sigteen kuwo kalana ay ka haajireen degaankoodii.

Halkaan ka akhri maqaalkii Xalay maxaa Caawa uga eg qaybta 1aad

Waxaa qoray Abdirashid Mohamoud
abu.ismail40.gmail.com
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. ASW
    WALAAHI QORMADANI YAAB AYAY LEEDAHN WAXAAN LA YAABAY SIDA LABADA TUSAALE ISUGU DHOW YIHIIN..NINKANI WAA FIRCOONKII SOOMAALIYEED..LAAKIIN WAXAAN KA XUMAHAY INAAN DHALINYARADA LA MARIN HABAABIYEY EE DIINTOODA LAGA FIDMEEYEY AYSAN ARKI KARIN QORMADAAN… WAXAAN JECLAA IN HALGAN.NET AY KU QORAN MEEL FIICAN OO LA ARKI KARO …TANI FAA’IIDO BADAN AYAY LEEDAHAY..

Leave a comment

*