Madaxweynaha Puntland oo kormeer shaqo ku sameeyey gudaha magaalada Gaalkacyo

October 2, 2015 - Written by Editor

IMG_8215Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kormeeray wadooyin muhiim ah oo lagu sameeyey dib u habeyn iyo balaaran , suuqa xera dayax gaar ahaan qeybta ay ka socota dhismaha , Baliga cirjiife, buundada , xarunta madaxtooyada iyo goobo kale oo muhiim ah kuna yaala gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug Puntland.

Madaxweynaha oo ay wehliyeen Wasiiro, xildhibaano, guddiga horumarinta iyo qaabeynta magaalada ayaa ugu horeyn kormeeray wadooyin la habeeyey , lagana dumiyey intooda badan dhismayaal sharci daro ah oo soo galay wadooyinkaasi.

Guddiga horumarinta iyo qaabeynta magaalada oo shaqo wanaagsan ka qabtay Gobalka Mudug ayaa ku guulaystay sidii ay wadooyinkaasi u balaarin lahaayen , iyagoo kaa shanaya shacabka jecel Nabadda iyo Horumarka ee Puntland , waxaa ayna dawladda ula shaqeynayaan shacabku si aan hagrasho laheyn .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale kormeeray suuqa xera dayax gaar ahaan qeyb cusub oo dhisme ku socda , dawladuna ugu talagashay inay ku ganacsdaan shacabka reer Puntland.

Waxaana uu sidoo kale madaxweynuhu kormeeray xarunta madaxtooyada Dawladda Puntland ee magaalada Gaalkacyo oo ay ka socoto dhisme , lana soo gebagebeeyey aasaaska koowaad ee dhismaha xaruntaasi,

no images were found

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug waxaa si habsami leh uga soconaya mashaariicda horumarineed ee Dawladda Puntland ugu talagashay, intii uu madaxweynuhu joogeynay waxaa uu ka qabtay shaqo adag oo ay ugu weyn tahay amnigii oo la sugay iyo mashaariicyo horumarineed oo laga daahfuray.

-DHAMMAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtootada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online