Wasiirka Warfaafinta DFS oo ka hadlay wariyaal lagu xiray magaalada Muqdisho.

October 4, 2015 - Written by Editor

universaltv-logoMuqdisho:-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo maanta dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay xariga Wariyaal ka tirsan Universal TV.

Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa sheegay in wariyaasha xiran ay heli doonaan cadaalad dastuuri ah wuxuuna xusay in dastuurka DFS uu dhowrayo Xuriyadda Qowlka iyo Saxaafadda sida uu qabo qodobdka 18-naad ee Dastuurka Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa balan qaaday in ka Wasaaradiisu ay u taagan tahay ilaalinta Xuriyadda Saxaafadda iyo Xuriyadda Wariyaha wuxuuna ku ceshay in wariyaashu helo doonaan xuquuqdooda.

Ciidanka Booliska iyo kuwa Nabadsugida DFS ayaa waxaa ay xabsiga u taxaabeen Wariye Cawil daahir oo u shaqeeya Universal TV ka dib markii TV-ga laga sii daayey Barnaamij dood Wadaag oo ay ka qeybgaleen xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka DFS iyagoo eedeyn kulul u jeediyey madaxada DFS iyo dowladaha Itoobiya iyo Kenya.

Hoos ka Daawo Barnaamijkii Dood wadaag ee lagu xiray Wariye Cawil Daahir

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online