Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo dib u qabsaday magaalada Marka

February 6, 2016 - Written by Editor

IMG_1238Marka:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo weheliyo Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa si wadajir ah saxaafadda uga warbixiyey howlgallo ballaaran oo Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM ay ka wadaan gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan degmada Marko iyo deegaanada hoostaga.

Wasiir Diini ayaa sheegay in Ciidamadda Dawladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay gacanta ku hayaan degmada Marka, isagoo xusay in amniga magaaladu yahay mid la isku haleyn karo. Wuxuna ugu baaqay shacabka dagan gobolka Shabellaha Hoose in ay la shaqeeyaan Ciidamadda Ammaanka.
“Ciidamadeena geesiyaasha ah iyo walaalaheena AMISOM, ayaa gacanta ku haya degmada Marka, xaaladuna aad ayay u dagan tahay” ayuu yiri Wasiir Diini oo intaas ku darey “Waxaan dagaal kula jirnaa Nabad-diidka Al-Shabaab iyo fikirkooda khaldan ee diinta Islaamka ay uga been sheegayaan. Waan ka guulaysan doonnaa kooxdaas dhibaatada ku haya, dhaqanka, dhaqaalaha dalka iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

“Bulshada ku dhaqan degmada Marko waxaa looga baahan yahay khilaafka dhex dooda ka jira in ay ku dhameeyaan nabad iyo is af garad, si cadowga ummada Soomaaliyeed uga faa’iideysan khilaafkooda”ayuu yiri Wasiir Diini oo intaas raaciyey in guud ahaan deegaanada ay ku harsan yihiin Argagixisadu dhawaan laga saari doono.

Ugu daneyn, Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Warbaahinta ugu baaqay in aysan ka bad badin wararka la xiriira xagga amniga, waxana uu shacabka ku nool gobolka Shabeelaha Hoose ka codsaday in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, si loga hortago dhagarta ay gaysanayaan Argagixisadu.

—–DHAMMAAD—
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya
E-mail: gaashaandhigga@gmail.com
Twitter: @MinisterDini

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online