Maanso Gocosho Dr. Khadar Cumar Jaamac

February 10, 2016 - Written by Editor

Dr.-khadarMaansadan waxaa la yiraahdaa gocasho waxayna ka waramaysaa xaalada ay marayso ummada Soomaaliyeen. Qayb ka mid ah hore ayaan u faafiyey haddana waa iyadii oo dhamaystiran.
1:Aduunyadu waa giraan
2:Guyaal badan soo jirtoo
3:Walina waa geedi socod
4:Guntiyo baarkiyo salkaba
5:Dadbaa gaadiidsadoo
6:Intay guudka u bexeen
7:Dusheeda gurboodka dhigay
8: Bad waynta kuwaa galoo
9: Gunteeda u dhaadhacoo
10: Wixii macdan gaaxsanaa
11: Intay hawlyari guryeen
12: Ka guuray rugtii faqriga
13: Intuu Muslim gama’sanaa
14: Amaba uu gaabiskiyo
15: Khilaafka ku fooganaa
16: Dunidu wayguurtayoo
17: Walina waa galab carrow
18: :Hadduu geedigi galbaday
19: Guyaalbadan siisocdoo
20:Galbeed gadhwadeen ka kayahay
21: Gadaal ka baraarugnaye
22: Giraanta halkee banaan.
23: Gadaal ma ulaabanaa
24: Waxii bari hore gadmaday
25: gobnimo mawfaaqidnaa
26: Gumaysigu wuxuu nayidhi
27: Magoynaayoo guddoon
28: kitaabkaan gaboobin iyo
29: maguurtada siiradii
30: gadaal ma ufiirina
31: Dadkeenan gadoodsan iyo
32: Deegaankan go’doomee
33: Guumaystuhu hiigayee
34:Gumoobay dadkii lahaa
35: gargaar ma u noqonkarnaa
36: Go’aan loowada dhanyahay
37: magoynaayoo dhammaan
38:Walaalo isgarab-sadiyo
39: gabbood ma u noqonkarnaa
40: Dalkeenii guud ahaan
41: Gabboodkii aan lahayn
42: Gumaysigu markuu jarjaray
43: Markuu gobolgobol ka dhigay
44: Dadkeenii gaasiryoo
45: Sidii gaadiidka raray
46: Waxay wada goobayaan
47: Inay godo’ aan dalkoo
48: Mustaqbalka aan goobayniyo
49: Caqliga inay goof dhigaan
50: Waxaa taa garab socdoo
51: Iyana ii guul darro ah
52: Kuwii aan galaalayee
53: Hogaanka gudoonsadee
54: Go’aan kuna uu ahaa
55: Inay gurgurshaa noqdaan
56: Dhammaan tood waa gabniyo
57: Galoof aan khayr lahayn
58: Waxay goor iyo ayaan
59: Gargaarka ka raadiyaan
60: Gabriyo waa reer galbeed
61: Gayaankeenii wacnaa
62: Hablii geeska u mudnaa
63: Galbeedka markay tageen
64: Markay gaal magansadeen
65: Gargaar iyo guul bideen
66: Gayaan iyo guur kadaye
67: Gumoobe wallee hablii
68: Intee gabadh sharaf lahayd
69: Markuu kii guursanlaa
70: Garaabo kadoortay reer
71: intuu gaal hawlyaraan
72: Gayaan baan ahay kuyidhi
73: go’doontoo ciil lagodan
74: Maxaa sheekh gaylamoo
75: Gadhkiisu cadaadayoo
76: Guyaal badan soo halgamay
77: Gadaal lagatoogtayoo
78: Cadaawuhu gawraceen
79: Haweenay gabowdayoo
80: Gurbookdii ay dhashee
81: Dunida gaadiidsan layd
82: Saxaaraha wada galoo
83: Badwaytu go,doomisiyo
84: Badnaa goohiyo ilmado
85: Waxaan ku gunaanadoo
86: Warkayga kusoo gingimay
87: Siduu gaariyeba yidhi
88: Illeen gu’ga Ku kordhaa
89: Haddaan gabaw mooye’ee
90: Garaad kugu biirinayn
91: Illeen wax madhaantid geed.

Dr. Khadar Cumar Jaamac
shareeco30@yahoo.com

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online