Madaxweynaha Dawladda Puntland oo La Kulmay Safiirka Dawladda Turkiga ee Soomaaliya.[Masawiro]

September 7, 2016 - Written by Editor

IMG_6168Muqdisho:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta September, 07 2016 la kulmay safiirka Dawladda Turkiga u jooga Soomaaliya Ambassador Oglan Bekar, waxaana kulankaasi uu ka dhacay xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo sii anba qaadi lahaa xiriirka Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa safiirka Dawladda Turkiga kala hadlay sidii loo sii anba qaadi lahaa xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Dawladda Puntland iyo Dawladda Turkiga.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa safiirka uga xog waramay weerarkii kooxaha sharwadayaasha ah ee Al-shabaab ay ka fuliyeen magaalada Gaalkacayo, wuxuuna ku adkeeyey in Dawladda Turkigu ay kaalin muhiim ah ka geysato mashruuca dayac tirka hantidii ku burburtay weeraradii Gaalkacayo, sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland wuxuu safiirka u sheegay in uu burburay qaar ka mid ah Cisbitaalka magaalada Gaalkacayo ayna tahay arrinta u baahan wax ka qabasho deg deg ah maadaama uu Cisbitaalku yahay goob caafimaad oo loogu adeego shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

Ambassador Oglan Bekar ayaa dhankiisa tacsi u diray dhamaan shacabka Puntland, wuxuuna caafimaad u rajeeyey dadkii dhaawacyadu kasoo gaareen weararadii Gaalkacayo , sidoo kale wuxuu tilmaamay in Dawladda Turkiga iyo Shacabkeedu ay ka xun yihiin weerarkii kooxda Al-shabaab ay ku qaadeen Gaalkacayo.

Safiirka ayaa caddeeyey in Dawladda Turkigu ay ka qayb qaadanayso mashruuca dayactirka hantidii ku burburtay weeraradii magaalada Gaalkacayo ay ku qaadeen kooxaha sharwadayaasha ah ee Al-shabaab.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku howlan sidii indhaha caalamka iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya loogu soo jeedin lahaa ka qayb qaadashada mashruuca dayac tirka hantidii khasaaruhu kasoo gaaray weeraradii Gaalkacayo.

DHAMMAAD–
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online