Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socdey hay’adda STAIT.(Masawiro)

September 19, 2016 - Written by Editor

img_7842Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 19 September, 2016 xafiiskiisa ku qaabilay  Madax ka socotey hay’adda qaramada midoobey u qaabilsan  ka hor tagga masiibooyinka dabiiciga ah ee magaceebda loo soo gaabiyo STAIT.

Masuuliyiintaan ka socdey hay’adda STAIT oo uu hoggaaminayey Panos Moumtzis ayaa waxaa ka mid ahaa Stuart Kefford,  Ulrika Blom iyo Cyril Ferrand, kuwaas oo saraakiil sare ka ah hay’addaasi STAIT.

Madaxweynaha dawlada Puntland iyo saraakiisaashii ka socotey hay’adaasi STAIY ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha banii’aadaminimada iyo ka hor-tagga masiibooyinka dabiiciga ah ee xilliyada qaarkood ka dhaca Puntland.

Mr. Panos Moumtzis iyo waftigiisa uu hogaaminayey ayaa ugu horrayn uga mahadceliyey Madaxweynaha dawladda Puntland soo dhoweynta iyo qaabilaadda uu u sameeyey isla markaana waxa ay dawladda Puntland ku ammaaneen siyaasaddeeda ku aaddan qaabka ay u maarayso ka hor tagga Masiibooyinka dabiiciga ah.

Sidoo kale Mr. Panos waxaa uu Madaxweynaha kala hadlay qaabkii Puntland looga caawin lahaa masiibooyinka dabiiciga sida duufaanka NINO iyo ka hor tagga abaaraaha maadaama oo sannadkaan 2016-ka ay yaraayeen roobabkii Gu’ga sidoo kalena laga cabsi qabo in uu dib u dhac ku yimaado roobabka dayrta.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ku boorriyey Hay’addaasi inay dejiso qorshe gar-gaar, kaas oo loogu diyaar garoobayo ka hortaga masiibooyinka dabiiciga ah ka hor inta aanay dhicin si looga bad-baado khatar walba oo ka imaan karta Masiibooyinka dabiiciga ah.

Ugu dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay dawladda Puntland diyaar u tahay in ay fududaynayso dhinaceeda wax walba oo suurta gelin kara in gar-gaarka la gaarsiiyo goob walba oo ay ka dhacdo Masiibo.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
September 2016
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online