Admiral Faarax Qare: Badda Soomaaliya Waxaa Lagu Yahay Duullaan – Waraysi (Dhagayso)
September 28, 2011 - Written byTaliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed, Admiral Faarax Cumar Axmad (Faarax Qare) oo Waraysi si qoto dheer uga hadlay Badda Soomaaliya waxa uu siiyey Telefihanka Somali Channel.Faarax Qare ugu waxa uu ugu horayn xusay sida loo doonayo in la boobo baddeena iyo sida duullaanka loogu yahay. Waxana uu ku xeel dheeraaday sidii Soomaaliya ay u dhaqan gelisey sharciga Law No 37 iyo sida ay Soomaaliya ku saxiixday sharciga badaha 1982 ayadoo aan ka tanaasulin xeerka Law No. 37, Soomaaliyana waxay soo saartay qaanuun la is waafajinayo 1972 iyo sharciga badaha, ayuu yiri.
Waraysiga Q.1aad Halkan ka Dhegeyso (mp3) – Qaybta 1aad
Waraysiga Q.2aad Halkan ka Dhegeyso (mp3) – Qaybta 2aad
Prof. Admiral Faarax Qare oo ka hadlayey waraaqo ka dhan ahaa badda Soomaaliya ee lagu qaybiyey shirkii saraakiisha ciidamada dalalka Geeska Afrika ee bartamihii September 2011 lagu qabtay magaalada Victoria ee dalka Seychelles iyo sidii musuuliyaddu ku dheehnayd ee uu uga jawaabey, ugana dalbaday raali gelin in laga bixiyo waraaqaha ay ku xuseen in xadka badda Soomaaliya tahay 12 nautical miles, isagoo sharaxa arrintaas waxa uu yiri “Saddex saac oo subaxnimo ama 9-ka subaxnimo ayaa la qaybiyey waraaqahaas, annaguna 10-ka (subaxnimo) ayaan qaybinay warqadaheenii. Waxaana raaligentii (apologize) laga bixiyey habeenkii markay ahayd 10-ka (fiidnimo), wixiina laga bixiyey, waxaana markaas la yiri Soomaaliya xuquuqdeeda (baddu) waa sidii aad u dhigateen ee raalli naga ahaada.”
Warka oo faahfaahsan Halkaan riix
Source Somalitalka.com
Halgan.net