Ciidanka Daraawiishta ee Puntland oo shalay howlgalo ka sameeyey gobolka Sanaag
September 22, 2011 - Written byDhahar:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhahar ee xarunta gobalka Heylaan ayaa sheegaya in shalay galabta ay gaareen ciidamo ka tirsan daraawiishta ee Puntland deegaanka Geldoora oo u dhexeysa Badhan iyo Laasqoray waxayna halkaas ka bilaabeen ciidamadu in ay xarun ka samey staan deegaanka Geldoora.
Taliyaha ciidamada Daraawiishta ee gobolka Sanaag G/sare Cabdilaahi Cumar Cashuur oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay howlgalo ka wadaan gobalka Sanaag halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayaan ayuu yiri kooxo gacan saar la leh ururka Al-Shabaab.
G/sare Cabdilaahi Cumar Cashuur oo ah taliyaha ciidanka Daraawiishta ee gobalka Sanaag ayaa haatan ku sugan deegaanka Geldoora isaga iyo ciidamo uu horkacayo.
Madaxada sare ee Puntland ayaa dhowr mar waxay sheegeen in Buuraleyda Cal-madow ay ku dhuumaaleysanayaan ciidamo uu hogaaminayo Maxamed saciid Atam oo ay sheegeen in uu gacan saar la leeyahay al-shabaab waloow uu beeniyey Atam dhowr mar oo uu la hadlay warbaahinta arinkaas.
Mar wax laga weydiiyey Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland ee gobalka Sanaag Gaashaanle Cabdullaahi Cumar wax qasbay howlgalada ay ciidamada ka fuliyeen maanta deegaanka Geldoora ayuu sheegay in dadka deegaanka ay ku soo wargaliyeen in ay arkeen koox hubeysan oo ku sugan Buuraleyda Calmadow gaar ahaan inta u dhexeysa Laasqorey iyo Badhan.
M_M Deeq
Halgan.net