DFKM oo magacawday Guddiga Khubarada ee Qabyo-qoraalka Dastuurka (War Saxaafadeed)

September 26, 2011 - Written by

Muqdisho:- 26 Sebteembar, 2011 Iyadoo la fulinayo Roadmap-ka, Ku-simaha Ra’iisul-wasaaraha, ahna Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Xuseen Carab Ciise, wuxuu maanta ku dhawaaqaydhisitaanka Guddiga Khubarada ee caawin doona diyaarinta Dastuurka Qabyada ah.

 

 

Magacyadooda waxay kala yihiin:

1. Dr. Cali Saciid Fiqi

2. Maxamed Sheekh Cusman Jawaari

3. Prof. Axmed Cabbaas Axmed

4. Dr. Shukriya Cabdiraxman Diini

5. Prof. Maxamuud Macallin Ali (Turyare)

6. Avv. Caasha-kiin Faarax Ducaale

7. Cali Sheekh Maxamuud Gacal

8. Hanan A. Ibrahim

9. Avv. Cali Cabdalla Dafeed

Khubaradan waxaa lagu doortay aqoonta iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin qaanuunka, waxaana laga filayaa inay ka soo baxaan howlaha loo igmaday bilaha soo socda.

Xukuumadda Federaalka KMG ah waxay ka codsaneysaa shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan inta ay khuseyso inay si dhammeystiran u taageeraan howshan sharafta badan.

DHAMMAAD

 

1 Comment so far

Leave a comment

  1. somalida waxaan uga digayaa,,dadkaas diinta islaamka ku qanci waayay,ee raba in ay gacantooda sharci ku samaystaan ilahey ha laga cabsado ha la iska ilaaliyo dadkaas diinta islaamka banaanka ayay ka yihine

Leave a comment

*