Golaha Wasiirada DFKM oo shir la qaatay mas’uuliyiinta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka

September 24, 2011 - Written by

Muqdisho, Sabti, Sep. 24, 2011) Kulan aan caadi ahayn oo ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada DFKM ayaa looga hadlay xaaladda abaarta iyo gaarsiinta gargaarka dadka dhamaan gobolada dalka ee ay ka jiraan abuuraha, waxayna kula kulmeen mas’uuliyiinta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, iyagoo su’aalo ka weydiiyay qaabka ay Hay’addu u waddo qeybinta gargaarka ka imaanaya walaalaha caalamka ee soo gaaraya caasimadda.

Shirkan oo uu shir guddoominayay kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhgga Xuseen Carab Ciise ayaa Golaha Wasiirradu waxay su’aalo ka weydiiyeen madaxa hay’adda Maareynta Musoobooyinka Mudane Cabdullaahi Shirwac hannaanka ay u maraan in gargaarku gaaro dadkii loogu talogalay, qaabka ay ku xushaan meesha ay gargaarka gaarsiinayaan iyo sida ay ku hubiyaan inuu gaaray gargaarkii la diray, iyo arrimo kale oo khuseeyo howlaha Hay’adda.

Warbixinta Hay’adda ayaa taabaneysay meesha ay marayaan howlahaas iyo caqabadaha ka hor yimaada inta ay gudanayaan howlahooda. Hay’addu waxay sheegtay in gargaarku si dardar leh loo qeybiyo, balse ay jiraan tallaabooyin lama-huraan ah oo ay tahay in la maro ka hor intaan gargaarka la qeybin, sida dajinta iyo isu dheelli-tirka noocyada gargaarka, waayo mararka qaarkood waxaa la keenaa raashiin hal nooc ah oo u baahan in lala qeybiyo nooc kale, arrimahaas oo laga yaabo inay qaataan waqti.

 Golaha Wasiirradu waxay ka dalbadeen Guddiga Abaaraha ee heerka wasiir iyo Hay’adda inay sii laba-jibbaaraan howlaha lagu qeybinayo gargaarka si wax loogu qabto dadka baahan, isla markaana waxay ka dalbadeen Guddiga Wasiirrada inay warbixin ku soo gudbiyaan kulanka ugu horreeya ee Golaha Wasiirrada. Golaha Wasiirradu waxay u ballanqaadeen in wasaaradaha ay khuseyso arrimaha gargaarka ay kala shaqeyn doonaan Hay’adda sidii loo fududeyn lahaa gaarsiinta gargaarka.

Ugu dambeyntii, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka waxay ballanqaadday inay soo gudbin doonto warbixin guud ee Hay`adda horraanta bisha soo socota. 

 Garad Salad Hersi
Communication Director,
office of the PM

Mobile: +252-615536608

+252-6-2536608

Mogadishu, Somalia

 

 

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online