Nin dilay Garsoore ka tirsanaa Maxkamada racfaanka Boosaaso oo maanta la Qisaasay

September 20, 2011 - Written by

Boosaaso:-Waxaa saaka magaalada Boosaaso  ee xarunta Gobolka bari ka dhacay dil qisaas ah oo lagu fuliyey gacan ku dhiigle Jaamac C/laahi Cabdulle oo maalmo ka hor ku dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari Garsoore ka tirsanaa maxkamada racfaanka ee Boosaaso oo lagu magacaabi jiray C/naasir Xaaji Aadan.

Ehelda Garsoore C/naasir Xaaji Aadan ayaa saaka dil qisaas ah ku fuliyey gacan ku dhiigle Jaamac C/laahi Cabdulle ka dib markii Maxkadad darajad koowaad ee magaalada Boosaso ay dil ku xukuntay maalin ka hor gacan ku dhiigle Jaamac C/laahi Cabdulle taas oo markii danbe ay  la isku afgartay in Ehelada Garsoore  Cabdinaasir Xaaji Aadan  iyo masuuliyiinta Maxkamada darajada koowda ee Boosas in ay fuliyaan dilka qisaasta ah sidda ay qabto Shareecada Islaamka.

Goobta dilka uu ka dhacayey ayaa waxaa ku sugnaa dhamaan Guddoomiyahata Maxkamada racfaanka iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Puntlland Maxamuud Xasan Aw-cismaa iyo odayaal ka socda Ehelada Gacan ku dhiigle Jaamac Cabdullahi iyo Ehelada uu ka dhashay Garsoor Cabdi naasir  Xaaji aadan.

 Dilka qisaasta ah ee ka dhacay Boosaaso aya waxaa uu ku soo beegmay xili Xabsiyada Puntlland ay buux dhaafiyeen dad gacan ku dhiiglayaal ah oo dilal qorshayn ku laayey Isimo, gacnacsto, aqoon yahano , dadka dilalka qorshaynta geystay ayaa waxaa ay u badan yihiin dilal siyaasadeed iyo mi dku salaysan aanooyin qabiil

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

1 Comment so far

Leave a comment

  1. asc
    waa A/rxmaan sida aad wax uga deg deysaan ma ah ee nimanka raga dilay waa laga danbeeyaa oo rag tiro badan baa ka danbeeya ee fadlan waa in dabagal lagu sameeyaa iyo waraysiyo mudo qaata si loo ogaado arinka iyo cida ka danbeysa xataa ha qaadato sanooyin waayo ninka la diley wax raad laga helayo ma jiraan ee deg dega iska daaya oo baaritaan dhab ah ha la sameeyo taasi waa iga talo qof hadii la dilo waa dhamaatey taariikhdisa iyo xog ogaanshihiisa shukana waxan filaya in lagua cimri qaadna doono oo arinkaan laga fakarin doono waa wiil ku dhashey buur cada buur madow
    asc

Leave a comment

*