Ra’iisul wasaare DFKM Dr Cabdiweli Gaas oo New York kula kula masuuliyiin ka tirsan beesha Caalamka (Sawiro)

September 22, 2011 - Written by

Ra’iisul Wasaaraha DFKM Prof  Cabdiweli Maxamed Cali  oo xiligan ku sugan magaalada New York halkaas oo uu kaga qeyb gelayo shirka guud ee sanadlaha ah ee Qaramada midoobey ayaa qaabiley mas’uuliyiin caalami ahi.

Mr Cabdiweli ayaa intii uu magaalada New York ku sugnaa la kulmay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweynaha Gabon  Ali-Ben Bongo Ondimba, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Malaysia  Dato’ Sri Anifah Hj. Aman iyo Xoghayaha Guud ee Jaamicadda Carabta Mr. Nabil Elaraby.

no images were found

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali  ayaa dhammaan madaxdii u la kulmay kala hadlay sidii shacabka Soomaaliyeed loogu soo gurman lahaa, isla markaana loogu taageeri lahaa mashaariic horumarineed, si wax loo qabato dhibaatooyinka ay Macaluusha xiligan ka jirta gobolada abaaraysan ee dalku ugu weyn tahay.

Mudane Cabdiweli Maxamed ayaa lagu wadaa in 23-da ilaa 24-ta bishan aynu ku jirno e September uu  khudbado dhowr ah ka jeediyo kulanka sanadlaha ah ee ay isugu imaanayaan wadamada xubanaha ka ah Qaramada midoobey.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedin doona kulamo gaar ah oo looga hadlayo sida dalka Soomaaliya looga taageeri karo dhinacyada gargaarka , amniga , iyo dhiiri gelinta Road Map-ka , kuwaas oo uu soo qaban qaabiyey xoghayaha Qaramada midoobey Ban Ki Mon.

Source: Xafiiska Ra’iisul wasaaraha DFKM Dr Cabdi weli Gaas
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online