Ra.iisul Wasaaraha DFKM Dr. Cabdiweli oo baaq nabadeed ka soo saaray colaada Gaalkacyo

September 3, 2011 - Written by

Muqdisho,Sabti, September 3, 2011—Ra.iisul Wasaaraha DFKM Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta baaq nabadeed u jeediyay dhinacyada ku dagaalamayay qeybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kaasoo geystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Ugu horeyn Ra.iisul Wasaaraha wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii iyo qarabadii ay ka geeriyoodeen dadkii ku baxay dagaaladaasi, wuxuuna Alle uga baryayaa inuu janada ka waraabiyo, inta dhaawac ahna bogsiiyo.

Sidoo kale, Ra.iisul Wasaare Dr. Cabdiweli waxa uu ugu baaqay dhinacyada is haya in wixii dhibaato ah ee jirta ay ku dhameystaan walaaltinimo iyo isafgarad, wuxuuna ka dalbaday in cid kasta oo nabadgelyada wax u dhibeysa ay hal meel uga soo wadajeestaan.

“Xukuumadu waxay diyaar u tahay inay ka qeybqaadato daminta colaada iyo inay gacan ka geysato sidii ay gurmad caafimaad u heli lahaayeen dhaawacyada dagaalka wax ku noqday” ayuu yiri Ra.iisul Wasaaraha.

“Si gaar ah waxaan doonayaa inaan baaq ugu jeediyo odayaasha, waxgaradka iyo dhalinyarada degaanadaasi, waxaana leeyahay waa inaad iska kaashataan ka hortaga cid kasta oo nabadgelyada degaanadaasi wax u dhimeysa”.

Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay in Xukuumadu ay diyaari neyso sidii ay halkaasi ugu diri laheyd guddi nabadeed oo gacan ka geysta xalinta khilaafka gacan ka hadalka dhaliyay.

garaadcadde salaad
garaadcadde@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online