Wafdi uu hogaaminayo Ra’isulwasaaraha DFKM oo gaaray caawa magaalada Nairobi
September 7, 2011 - Written byNairobi:-Wafdi uu hogaaminayo Ra’isulwasaaraha DKM ayaa caawa maqribkii waxaa ay soo gaareen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaana ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee dalka Kenya xubno ka tirsan labada gole ee DFKM Raisulwasaaraha ayaa waxaa ka qeyb gali doonaa shir looga hadlayo Abaaraha geeska Afrika oo ay soo qabanqaabisay dowlada Kenya waxaana ka soo qeyb gali doona ergo ka socota wadamada ku bohoobay Ururka Igad kaas oo furmaya maalinta birito ah.
Afhayeenka Xukuumada DFKM Eng C/raxmaan Yariisoow ayaa sheegay in mudo laba cisho ah ay wafdiga Ra’isulwasaaraha ay joogi doonaan dalka Kenya .
Kulanka Birito ka furmaya dalka Kenya ayaa waxaa lagu qaadaa dhigi doonaa xaalada abaaraha ee ka jira geeska afrika iyo sidii loo maareyn lahaa waxaa kale oo ajandaha shirka ka mid ah in dhaqaalo loo uruursho dalka Soomaaliya oo ay haatan ka jiraan abaaro aad u daran.
C/CasiisMaxamed
Halgan.net
Archives |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
English Article
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somali Links
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Fatwa Online
|
1 Comment so far
Leave a comment
Aad bay u fiicantahay in mucaawino dibadda looga raadiyo dadka dhibaataysan, balse waa in sioda ay tahay loogu geeyaa ee maahan in laga baayacmushtaro WABILAAHI TOWFIIQ