Warsaxaafadeed Shirka Golaha Wasiirada DFKM oo kulan yeeshay

September 8, 2011 - Written by

Khamiis, September 08, 2011–Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada DFKM oo uu shir guddoomi nayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaan dhiga Xuseen Carab Ciise ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin go’aamadii kasoo baxay shirka Wadatashiga, ansixinta habraaca sanadka 2011/2012, arrimaha Amniga, iyo arrimaha Gargaarka Bani’aadanimo.

Golaha Wasiirada waxay maanta warbixin guud ka dhageysteen Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga taasoo ku saabsanayd habraacii marxaladda kala guurka ee sanadka 2011 / 2012 iyo habsami u socodkii shirkii oo ay kasoo qeybgaleen wufuud caalami ah iyo madaxda maamulada gobolada.

 

Ku-simaha Ra’iisal Wasaaraha ayaa Golaha uga warbixiyay inuu shirka guul ku dhamaaday, dawladdana ay ka shaqeysay sida ugu wanaagsan inuu ku qabsoomo, waxaa sidoo kale warbixin laga dhagaystay guddi hoosaadyadii shirka wadatashiga oo looga kala hadlayay arrimaha amniga, dastuurka iyo hagaajinta barlamaanka, dawlad wanaagga iyo dibuheshiisiinta.

 

Golaha ayaa si gooni ah u falanqeeyay qodobka dawlad wanaaga oo gabi ahaantiisba dawladda masuuliyadeedu leedahay, waxayna ka doodeen arrimaha la dagaalanka musuqmaasuqa iyo ahmiyadda ay leedahay in la sameeyo guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa oo ka mid ah hawlaha ku xusan habraaca soo afjarida marxaladda kala guurka ah, waxayna ballan qaadeen in guddigaas loo soo magacaabi doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

 

Golaha Wasiirada ayaa waxey si buuxda uwada ansixiyeen go’aankii kasoo baxay shirka wadatashiga, sidoo kalena ballan qaadeen inay sanadkaan kusoo afjarayaan marxaladda ku meel gaarka ah ee uu dalka ku jiray muddo dheer.

 

Ugu danbeyntii, Golaha Wasiirada ayaa sido kale warbixinno ka kala dhageystay guddi hoosaadyada Golaha oo ku kula saabsan arrimaha amniga iyo gargaarka xaaladda bani aadannimo ee dalka ka jirta, wuxuuna go’aan ku gaaray in dhammaan ajaanibta dalka joogta iyo shaqaalaha ka shaqeeya gargaarka ay iska diiwaan geliyaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

DHAMAAD

Garad Salad Hersi
Communication Director
office of the PM

 

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online