Wasiirka gaashaandhiga Uganda Crispus Kiyonga oo Muqdisho soo gaaray
September 19, 2011 - Written byIsniin, September 19, 2011 (Halgan) Waxaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho wafdi uu hogaaminayo wasiirka gaashaan dhigga ee dalka Uganda Crispus Kiyonga, wasiirka ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka AMISOM waxaan uu hadda kulamo la leeyahay Madaxweynaha DFKM Sh Shariif Shiikh Axmed Wasiirka gaashaandhiga iyo wafdiga la socda ayaa waxaa uu safarkooda ku saabsan yahay siddii ay wax uga ogaan lahaayeen xaalada magaalada Muqdisho iyo xaalada ay ku sugan yihiin ciidanka AMISOM.
Madaxda DFKM ayaa waxaa ay dhowr jeer oo hore ay codsi ku saabsan in ciidamo dheeraad ah oo ka socda AMISOM ay u gudbiyeen madaxda Ugaandha iyo Burundi oo ay ciidamadoodu ay hadda ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.
Safarka Wasiirka gaanshaandhiga ee dalka Ugaandha Crispus Kiyonga iyo wafdiga la socda ayaa waxaa uu noqonayaa kii ugu horeeyey ee uu ku yimaado magalaada Muqdisho ialaa intii ay ciidanka AMISOM yimaadeen magalaada Muqdisho.
Ilaa hadda ma jiraan wax ka soo baxay kulanka u dhexeeya Madaxda DFKM iyo wafdiga uu hogaaminayo wasiirka gaandhaandhiga ee dalka Ugaandha Crispus Kiyonga, balse saacadaha soo socda ayaa la filayaa in ay saxafaada uga xog waramaan kulankooda.
A/cawaale
Halgan.net